jarati.com

        Gabayo              Maahmaahyo              ilaqosol                 La soo xiriir   

Jarati.com
 

       ILA QOSOL

waan idiin salaamey dhamaan akhiyaarta xiiseysa iney soobooqdaan beyjkan .Waxaad iga gudoontaa salaan qaali,ah intaa dabadeed waxaad  ku soo dhawaataan sheeko yar oo qosol_qosol ah waayo waaloobaahanyahay mararka qaarkood inla qoslo   ku soo dhawaada sheekadii oo inoo bilaabata

 

.Waabaa _waxaa la yiri waxaa jirey qoys cadaan ah qofba siduu u yaqaano  reerkaasi,waxay ka koobnaayeen nin iyo xaaskiisa.waxay wada joogaanba waxaa reerkaasi,u dhashey wiil madow ah oo madowgaba kala roone ,qadiid ah ama dhuxul,ah waxaa yaab aad  ah oo fajaciso,ah lakulmey aabihii wiilka dhaley ,wuxuu adkeysto oo uu is yiraahdo ma,xaas kaadaad inaan kashakidey umuujin kartaaba hadana wuu adkeysan waayey oo dantu waxay ku kaliftey inuu weydiiyo ,markii uu lahadlayey ayaa waxaa uuhadal uga bilaabey walaaley waxaynu nahay qoys cadaan,ah oolabadeenuba waan cadnahay ee waa maxay wiilkan madow oo marba marka ka dambeysa sii madoobaanaya halkee kayimid mise waxbaad qarineysaa ,xaaskiisii oo aad u caqli,badneyd ayaa ugu jawaabtey heedhe wiilkeena yar markaan dhaley aad ayaan u tamar darnaayoo waad i,ogeyd ee waxaan u dhiibey naag madow ah oo deriskeena,aheyd,oo iyadaa nuujisay waxa,uula madoo baadeyna waa sidaas.Hadaba ninkii intaas kuma,uusan ekeysane,waxaa,uu ku fakarey inuu,hooyadii,weydiiyo,arintan,fajacisada ku noqotey ee uu siisan kari la,yahay.Maalmo dabadeed ayaa waxaa uu u tegay hooyadii oo uu weydiiyey waxa uu layaaban yahay si,ay uga dhaadhiciso ileyn waaqof waayo arag ah oo weyne oo uuna is yiri waad ku qanci kartaa waxay kugu tiraahdo.Waxaa uu warkiisii uga bilaabey hooyo maanta arin iga fajicisay ayaan kuula imid waxay iyana sideg deg,ah ugu soocelisay maxay tahay hooyo markaa suu warkiisii uula bukay taxay oo uu yiri hooyooy waad ogtahay inaan xaas leeyahay labada yaduna aan cadaan nahay waxaa layaab igu noqdey inuu noo dhashay wiil madow ah oo marba marka ka dambeysana sii madoobaanaya hadaba hooyo labo cadaan ah madow ma,iska dhali karaan waxaan weydiiyey xaaskeyga iyana waxay iigu jawaabtey waan tabardarnaayoo naag madow ah ayaa nuujisay oo sidaabuu wiil keena la madoobaadey,ee hooyo taas madhici kartaa.Hooyadii  ayaa waxay ku jawaabtey haa hooyo wey dhici kartaayoo adigaba waagaan ku dhaley caano lo,aad ayaan kusiiyey oo waatan aad marba marka ka dambeysa waxaad u fekertaa sida lo,dii ookale.      dhamaad ………..  kkkkk kkkkk kkkk kkkkk

   

Waxaad qoraaga kala xiriiri kartaan:

Qore: Hinda Ibraahin Nuur
Email: info@jarati.8m.net
Gaadsan.com | Odense| Denmark

ILA QOSOL

 

Waxaa jirey reer famil,ah naagta odeygeedu waxaa uu kayimid xagaas iyo sacuudiga mindhaa naagtu markuu odeyga iska xamaali,tago oo uu wax reerka u soo kordhi is yiraahdaba iyana waxay heysataa labo nin oo saaxiibo ah oo u wada yimaada oo ay odeyga ku sii sugto,oo islaantu kamaba qasna markuu xaajiga yiraado maana makuu imaadaaba waxay leedahay xaajiyow maya ee waan ku sugi karaaye inoosoo shaqee ileyn wax badis ayaad inoogu dhooftaye xaajigii wuxuu maqnaadaba wuxuu go,aan ku gaarey inuu uyimaado xaaskiisa ,wuxuu ku yiri maano maanta anigaa go,aansadey ka noqosho malaha intan un baan kala maqnaan karnaa nimaan wax ogeenoow ale kuma cadaabo xaajigii waa uusoo degay maalmo kadib soomaalidu waxay tiraahdaa waxaad (baratey waa baaskaada) (laa laab maroow laazim laamiguu imaanaa)maalintiidambe xaajiga ayaa ay ku tiri xaaji mihnad sameyso ileyn jaanis ayey raadineysaaye xaajigii dukaan ayaa uu kafurtey bartamaha magaalada.waxay baratey saacadaha xaajigu guriga yimaado maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa soowacay labadii nin ee latuman jirtey markaas bey ku tiri caawa kaalaya xaajiga imanmahayee   sagaalka habeenimo ka hore,iyana waxay bilodey inay is hagaajiso oo ay naag heer sare ah iska soo saarto xitaa meel kasta ay boorka ka jafto oo ay  sidey hooyadeed ku dhashey ah oo aan lamoodin naag weyn ayaa waxaa yimid labadii nin oo iyagana labadaba bidaar lahaa garna aan laheyn markey xaajadoodii guteen ayaa waxaa albaabka soo garaacey xaajigii oo maalintaas jimcey aheyd islaanta ku kala firee islahaa ,sheeko maxay tari halkeen galaa ayaa ka dhacdey islaantii labadii nin midna sariirtey hoos gelisay midna armaajo ayey ku xirtey  iyadoo qaawan ayuu odeygii u yimid  hoostana boorka kajaftey oo aad bidaar moodo xaajigii war wuxuu kabilaabey aw bidaare walee caawaan ku hayaa labadii nin ee bidaarta lahaa midbaa is yiri adigaa lagu arkey markaas ayuu qeylo afka taagey oo uu yiri warheedhe keligeey ma,aha ninkalaa sariirta hoosteeda ku jira kkkkkkkkk    kkkkkkkkkkkkk  kkkkkkkkkkkkkkkkk

                                     Ku laabo bogga kore

Waxaad qoraaga kala xiriiri kartaan:

Qore: mahamed cali yousef
Email:
info@
jarati.8m.net
Gaadsan.com | mugdisho| somalia

 

ILA QOSOL

 

maalin maalmaha kamid,ah ayaa waxaa wada safrey labo nin mid soomaali ah iyo mid hindi ah labaadaasi
nin waxay ku tashadeen inay wada raacaan doon markay doontii mudo ku sii dhexj ireen ayaa waxaa  halkaa kusoo weerarey nibiri <whale>nibirigii wuxuu isla markiiba halkii ku raamsadey oo uu cunay ninkii soomaaliga ,ahaa .Markuu ninkii soomaaliga ,ahaa cunay ayaa waxuu uu yiri ninkii hindida ahaa tolow muxuu nibirigu ii cuni waayey mise anigaa hilbo qurmuun oo ninkan ayaa iga hilbo mac mise sidey wax u jiraan mise midabka maariinkaa cunida ku wanaagsan,aniga magaranayo sababta inagoo wada fadhina aniga la,igu daayey,ninkii wuxuu guryamo oo uu isla hadlaba waxaa u jawaabey nibirigii oo kuyiri ninyahow aniga kuma doonayo inaan ku cuno adiga iyo weliba hindida oo dhan waayo sanadkii hore ayaan waxaan cunay nin hindi ah calool xanuun iskaba daa hadalkiise weli dabadaa i,ololeysa hadeer. kkkkkkkkkkk  kkkkkkkkkkkk  kkkkkk

 

ILA QOSOL

maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacdey nin naag la,ahaa saaxiib  oo aanay waxba ukala soocneyn  hase ahaatee aan isku dhaweyn oo kala joogey labo wadan oo keliya marka uu iyada
sooxusuusto oo qura ayuu u imaan jiray ninku wuxuu ahaa xaasle oo xitaa caruur ayuu lahaa
marka wuxuu ubartey guri aan mayaba uga soo horeyn oo wuxuuba kaga nafisaa islaantiisa iyo
caruurta qeylida badan ee ay dhashay islaantu mar alaale iyo markuu yiraahdo waan imaanba qumqumi
ayey meel kasta kushidaa udgoonka ayaaba soo qabanaya ninka hada udgoonka ma,aha mid lagu lalaboodo sida haweenka soomaalidu ubadanyihiin bukhuurka beer qaadka ah iyo uunsiga sonkorta laga badshay ee macbilka ah ma, aheyne wuxuu ahaa udkoon kayimid dubai oo ay shitaan dadka tujaariinta ah soomaaliduna wuuba kuyar yahay badanaa guryahooda hadaba waxba yaanan sheeko kugu daaline maanta waxa lagaarey maalintuu islaanta labalami ahaa maskaxdiisay kusoo dhacdey
durbadiiba telefoon ayuu sooqaatey misna maanta iyada majoogto gurigeedee waxaa guriga ujoogey walaasheed oo aan iyada laga cod aqoon ninkii abuukar ahaa telefoonkii ha qabsadee hayiraahdo
deeqo miyaa iiwaran sweety  ma,iiladantahay iyana isumeysheegine weylawadey xabiibi fiican ayey ugu jawaabtey walaahi waa kuu xiisay anigaaba kaadaran goormeen kuu imaadaa goortaad jeceshahay
beri ayaan soobaxaayaa habeen danbe adigaan kula nasanaayaa xaaskeyga qaaci waaye gastaan ugu dedaalaayaa telefoonkana waan kadansanaayaa weligeedba hadaasho waxaan ku oranaayaa codkaa
kaxirnaayoo ma,aan maqal waana daalanaayoo waan iska seexday markaan shaqada kabaxay
waayahay ayey ugu jawaabtey misne ninkii qatar ha iska soo dhigo waxoogaa xalwo iyo baalbaaloow
iyo buskud ahna hore ha usoo qaato iyo halmacawis sida nimanka soomaaliyeed ee ciyaal suuqa ah lagu yaqaan gurigii kagaar ha,isyiraahdo isagu waa qabaar mooge waxaa guriga kaga horeeya fardows oo deeqo walaasheed nin xuna aan agteeda jaqaf kaqaadeyn maxaa meesha ninkii karaacay albaabkuu
garaacay waalaga furay soodhaaf ayaa layiri weli wareer ayaa kujiree wuu iskala qafiifiyey markaa buu
isyiri haabo misne waa walaasheed qaq halkiibuu kudhacay iyadna umay nixine xaaskiisay inta telefoonkiisii qaadatey wacdey wuxuu soo miyirsadey xaaskiisoo dultaagan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ninkii maalintaas ayaa tumasho ugu dambeysay gabadhii kale oo deeqo aheydna kaba daran kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  

Waxaad qoraaga kala xiriiri kartaan:

Qore:
mahamed cali yousef
Email:
info@jarati.8m.net
jarati.net | Odense| Denmark

                                     Ku laabo bogga kore

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 
Webmaster@jarati.8m.net
 

 

 


Jarati.Com © 2001-2006 • Privacy Policy • Terms Of Use
Webdesigner and administrator : ahmed nour