jarati.com

        Gabayo              Maahmaahyo              ilaqosol                 La soo xiriir   

Jarati.com
 

 

Taariikh kooban ku saabsan gaadsan bokool

 

asalaamu caleykum waraxmatuq_l_l l wbr salaantaas ayaan dhamaan idiink usalaamey bahda ku,abtirsata magaca gaadsan.Salaantaas dabadeed waxaan doonayaa inaan idiin qeexo muxuu ahaa magaca gaadsan, magacani maanta nalooyaqaan wuxuu ahaa waayadii hore Geedsan,taas oo naloogu baxshey dhaqankii iyo caadooyinkii  fiicnaa eey beeshaasu waagaas lahayd ayaa ay magacaasi ku muteysatey oolayiri kuwa kanu waa geedsan oo wanaagooda waxkale loogumaba yeerikaro.kadib markey mudo ka soo wareegatey ayaa beeshii  reer gaadsan ee geedsanta looyiqiin waagaas ayaa waxay isku afgarteen inay labaxaan magacan maantajira eelayiraahdo gaadsan.sidaas ayuu magacaasi inoogu baxay,inkastoo aanan waqtigaas anugu joogin waxaa igu maqaal aanan beeneysankarin igu,ah taas.waxaa sidoo kale igu maqaal ah oo xusid mudan inuu jirey halyeey geesi ahaa oo caan ku,ahaa gobolka bakool oo magaciisa la,oran jirey maxamed isaaq ismaaciil oo waagaas deganaa dhulka ay hadeer raxweyntu degto degmo kamid ah gobolka bakool,oo waagaasna ayfaro ba,an kuhayeen dagaalo isdaba joog,ah oo kaga yimaada beesha ogaadeen khaasatan cowlyahan iyo inta sooraacda ee katirsan ogaadeen.Oodhac dil  iyo boob farabadan kuhayey dhamaan meelkasta oo uu gaadsanku dego hanoqoto kuwa degan bakool iyo kuwa itoobiya deganaaba .Kadib maxamed isaaq  oo looyiqiin maadey  raxweynta gudaheeda  ayaa wuxuu go,aansadey inuu weerar qaado iyadoo waayadaasi aaney jirin horumarka haatan lagaarey oo aanan la,isticmaaleyn hub oo keliya la,isticmaali jirey waran gaadiidna fardo .maxamed isaaq isagoo warmooleydiisa fardaha saaran isagoo sita ayuu weerar qaadey wax ay rucleeyaanba ooay siisiqaanba oo aywadaan dagaal la,is jilib xirtoo aan dib loolaaban ayaa waxaa si,fool kafool ah la,isu darey beeshii weerarka aheyd markii la,isku soo baxay ayaa waxay beeshii ogaadeen yiraahdeen Maxamed isaaqoow waan ku naqaanaa oo waxaad tahay nin gaadsan ah oo madooneyno inaan kudilno ee inaga tag qoladaadan reer gaadsana sooco oo labax xoolahaadana kaxeyso oo iska tag.markaa kadib ayuu wuxuu maxamed isaaq ku jawaabey HADAME, guud ahaan 9 iyo 8  inta ku,abtirsata  maadeey isaaq ayaa soocabsadey oo dadkiisii lasoo baxay oo dadkeena soolaayey iiyeeri meysee dhimashaan ka,xigaa.Sidaas ayaa maxamed isaaq lagudiley .waatan maanta keentay isku milmida beesha cumar jaamac iyo raxweynta waayo beesha raxweyn waagaas ayey kalsooni buuxda uqaadey beesha cumar jaamac oo uu kadhashay maxamed isaaq.waxaaneyba yiraahdeen reer cumarjaamac waa hadame .Qoraaladeyda intaas kuma koobnaan doonaan ee waxaan sooqoridoonaa qoraale kale haduu alaha awooda sare leh ogolaado aqristayaaloow waad kumahadsantihiin jaaniska badan ee aad siiseen inaad qoraalkeyga ku,aqrisaan  . Lasocda qoraalada dambe oo aan soo qori doono   wabilaahi towfiiq  

 

 

W/Q :  Hinda Ibraahim Nuur

                   

back  home

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 
Webmaster@jarati.8m.net
 

 

 


Jarati.Com © 2001-2006 • Privacy Policy • Terms Of Use
Webdesigner and administrator : ahmed nour