jarati.com

        Gabayo              Maahmaahyo              ilaqosol                 La soo xiriir   

Jarati.com
 

Is misaan darajo intee le’eg ayaad Dadkaaga  Dalkaaga u haysaa?

 

 

   

Waxaad iga gudoontaan salaan aad iyo aad u qiimo badan salaan ka dib walalayaal waxaan idiin soo bandhigayaa firgrado kala duwan ama ku dhiirigaliya kuwaas oo ku saabsan sidaaan dadkeen iyo dalkeena wax ugu qaban lahayn manta ma joogno heer aynu niraahno dalka somaliyeed ayaan wax tareenaa qodbkaas isaga ah wuxuu ina anafacayaa ama ku haboon tahay markii aynu dadkeen iyo dhulkeena wax tarno markaas ka dib ayaan oron  karnaa Somalia ayaan hor marineynaa!!

  Is weydii su’aalahan soo socda ee ku wajahan dadkaaga  & dhulkaaga

Waxaad is weydiisaa inta Aad dadkaaga iyo dalkaaga ku soo saa’iideysay inta aad wax garad noqotay?

Ma  og tahay in qof walba inuu dadkiisa wax baro dhulkiisana hor mariya

Is misaan darajo intee le’eg ayaad  ayaad dadkaaga ama xil u haysaa?

Ma og tahahay in gaadsanku uu dego wadamo ama qaarado badan sida  Somalia Ethiopia iyo Kenya  mise is xisaabisay  awooda quwadeed  eed ku dhaxleedahay 3 wadan ama dawladood ma ahan awooda aan ku sheegay inay tahay mid ciidan ama mid tiro badnaane waxaan ula jeeda intee in le’eg ayaad wax ula qeybsataa siyaasada iyo   kuraasta dawlada

Hadaba soma ogid mashii aad dawlada ku lug leedahay inaad awood buuxda u lee dahay waxabarashada wadanka ka jirta inaadka qeyb gali karto  mise og tahay meshii aad ku liidato inaadan waxba ka ahayn kuna fikireynin inaad hor marto mise og tahay hadii aad tahay qof aqoonleh inaad waxaad doonto ka samayn karto dalka aad degan tahay mid siyaasadeed iyo mid kale  maxaa inoo diiday inaan wax la qeybsano wadama aan ku nool nahay tusaale ahaan bal cabir wadanka aaynu deganahay  ee Ethiopia awood ma u leenahay aan ku dhiiban karno oraahdeena ama figradeena maxaan arintaas idhaha uga qasanaa waan og nahay inaan waxba ka hayn  suura gal ma ahan inaan hada wax ka noqon lakiin waa in aan xooga saarnaa sida bari kamaalin aan  awood uga yeelano waxaa suura gal ah hadii aynu manta xooga saarno  xitaa yeeynaa helin waxa aan dooneyno lakiin jiilka danbe ee soo kacaya ayaa sii dhameystiraya waliba  hadii ay soo kacaan dhalin yaro aqoon leh – qasab ma ahan in aan hoostagno dawlahada lakiin waxaa waajib ah inaan dadkeena kor u qaadno iyo dhulkeena inagoo amaan galineyna dadyooga dariska inala ah waayo faaiidoo malahan hadii 10 wiil ay inaga dhimato inaguna aynu dilno lakiin waxaa ka fiican inaan yeelano daris wanaag iyo kasbasho daris waxaa waliba fiican inaan dhiiri galin dayoowga derska inala ah si ay iyaguna wax u qabsadaan oon isku kaalmeysano   mida kale ma kaa daahsoon tahay in  dalka  ethoipia uu yahay cadawgeena kuuwaad waayo tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa  gobolada aynu ka degno Ethiopia ma lahan dugsi sare  waxaa ku yaala dugis hoose iyo dugsi dhexe waliba markii aad u kuur gasho duruusta loo dhigo ama la baro inay tahay wax qiimo aan lahayn  ama lugu maaweeliyo caruurta ma og tahay caruur badan oo hor mar gaari lahayd inay ku jiraan maaweelo ma og tahy in ay ugu tala galeen in aynaa ilbixin runtii qof damiirleh in shaacabkiisa sidaas loo galo ma ogolaanayo hase ahatee aragtaye maxaad oron yeeeysan inug dhicine dhulka aynu iska qaadno oo aynu ku noqono wadamadeena si aynu kor ugu qaadno caruurteena iyo dalkeena  -- runtii waxa manta ka socda aduunka iyo sida aynu u jiifono aad iyo aad ayeey u kala duwan yihiin   waxaase nasiib daro ah inagoo isla aragnay waxa ina haysta hadana aynu wax ka xalin wayno runtii  suura gal inooma ahan inaynu iskoolo  badan ka furno lakiin waxaa haboon gobol walba oo gaadsanku joogo inaan hal school oo qiimo badan ka furno igoo keeneyna macalimiin ka yimid wamadama kale sida muqdusho iyo adiss abba lacagta ay qaadanayaana aynu inaga dafacno ileen faaiido ayaa inoogu jirta waxaa dhici karta hadii aynu dafacno 10 sano ka dib waxaa soo baxaya 5000 oo arday oo dib u baraysa dadkooda waliba waxaa dhici akrta inaan ka helno 50 qof oo ilaa heer jamacadeed gaadha taasina waa sharaf iyo wanaag aynu gaadhnay ogaada  oo ka daqmada  waxyabaha ay inugu dayoowga cadwga inugu ah  ogoowna inta aynu sidaa nahay waligeen ciil kama baxayno ogoowna ciil ayaan la dhimaneynaa caruurteena damana ciil ayeey ku dhimanayaan iyo jaahilnimo taasi waa iga talo ee dhulka aynu iska qaadno gaadsanoow gacmaha aynu is qabsano aduunka il cusub aynu ka eegno siyaasada aynu la qabsano si dadban aynu ku hor marno si daacad iyo xilkasnimo ku dheehan tahay aynu dadkeen iyo dhulkeena u hor marino runtii  waa iga talo yo tusaale  balanteenu waa ficil iyo dadaal farabadan oon laga daalin lagana caajisiin !!!!!!!!!

 

 

W/Q  Ahmed Nuur Abdulrisaq (Kulmiye)

Email qalaf@hotmail.com

 

 

 

                                     Ku laabo bogga kore

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 
Webmaster@jarat.8m.net
 

 

 


Jarati.Com © 2001-2006 • Privacy Policy • Terms Of Use
Webdesigner and administrator : Ahmed Nour