jarati.com

        Gabayo              Maahmaahyo              ilaqosol                 La soo xiriir   

Jarati.com
 

 

BAROOW IYO BARNI WAY ISKU BAADI MAQANYIHIIN!!

marka ugu horeysa waxaan si,gaar,ah u salaamayaa dhamaan asxaabta ku xiran ee soo booqata bejjkan.Waxaana leeyahay gacmo furan ku soo dhawaada,oo haka caajisina inaad soobooqataan.Intaa kadib  waxaan rabaa inaan ka hadlo fikradeyda,soomaaliya wax yaabaha kajira haatan sidaan u arko.waxyaabaha maanta kajira wadankeena anugu waxaan u arkaa in REER GARAS  IYO  REER QURAC ,lagu socdo.Meeshana ay u sharaxantahay REER BOQOL TIKNIKO IYO REER ISBAARO:Hadaba soomaaliya lagama yaabo ita ay reer boqol tikniko iyo reer isbaaro joogaan inay BAH GARAS oo aan hal tikniko ah laheyn iyo BAH QURAC ay xaqooda helaan.BAH GARAS dhulkeeda waxaa laga helaa dhamaan kheyraadka uu wadankeena soomaaliya qaaliga ku yahay kamana maarmi karo BAH GARASNA malaha haltikniko oo ay ku ilaashato iyo koox awood leh intaba hadaba waa in iyaga iyo kheyraad koodaba aan isku wada ilaashanaa oo aan anaga ka macaashnaa kheyraadkooda ileyn iyagaan hore u tabaabusheysane.Ilaa ay ay dad ka noqdaan aan iskaga dul fadhino.Waxaa inoo soo harey BAH QURAC soomaaliyaba waxba kuma laha waa ineysan soogelin oo aaney cagba soo dhigin madaxweyne iskaba daa hadalkiise iyaga waa inaan looba ogolaan inay soomaaliyaba yimaadaan.Degmo yeysan degmo u socon hala xiro dariiqyada  oo hala badsho isbaarada wado kasta hala fariisto BAH QURAC IYO BAH GARAS si,aysan booran u soo caawiyin aan ku durdurinee ,muqdisho iskaba daaye goofguduud si,aysan usoo gaarin waa inaan boqol tiknikaale difaac gelinaa  isbaaroolena wadooyinka ka adeejinaa , maxaan dowlad kufaleynaa  hadeer ayaanba ka wanaagsan nahaye. Hanagu soo sheegina dowlada oo inaga daaya hadaan inaga sidayada dowlad kusii noqoneynin.Aan is difaacno ,oo aan bah qurac iyo bah garas kor ka,ilaalino .Hadii kale oo aan sidaa yeeli weyno waxaan seegeynaa kheyraadka BAH GARAS aysan ilaashan karin ee aan heysano iyo buulashii dhaadheeraa  ee bah qurac iyo isbaarooyinkan meelkasta yaala

hadaba akhristoow waxaad is weyisaa bah isbaaro iyo bah tboqol tikniko dhulka ay ka yimadeen waad og tahay meesha ay manta ay ku fadhiyaana (nimcada beeraha iyo bada) waad la socotaa  ma yeelayaan inay ku noqdaan dhulkii saxaraha ahaa ee xitaa ceel aan ku oolin hadaba sidey ku  suuroobi doontaa?

Dawlada  Somalia ka dhaltay ma u sharciyeeyn doontaa  dhulka ay haystaan  bah isbaaro  iyo bah tigniko!! Hadii ay dawladu  cadaalad noqoto oo ay u soo celiso dhulkii barakeysnaa  bah garas,  dadyoogii kale bah tigniko iyo bah isbaaro  maxay samayn donaan ! ma dawlada ayeey carqaladayn donaan mise saxarihii ayeey ku noqon donaan !!!!!!! Murti somaliyeed ayaa oroneysa(xujo ma furantee   xaajaa falanta )

Akhristoow adiguba is weydii arintaas maxaad ku xalin lahayd?!!!

 

 

 

W/Q Hinda Ibraahin Nuur

 

back  home

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 
Webmaster@jarati.8m.net
 

 

 


Jarati.Com © 2001-2006 • Privacy Policy • Terms Of Use
Webdesigner and administrator : ahmed nour