Qeybtii 1aad
Waqti casar,ah oo ah waqtiyada jawiga
magaalada muqdisho uu ugu wanaag sanyahay oo ay
cadceedu kuleyl keedii badnaa deysay ee ay neecaw
macaan oo nafta urooni jirto ayaa waxaa albaabka
guriga Farxaan soo hormarey farxiyo,iyadoo uu
farxaan waqtigaasi meesha kula haa saawayey dhalin
saaxiibadiis ah,Farxaan ayaa durbadiiba jaceyl
aragti ah saameeyey,oo isha laraacey farxiyo ilaa ay
kalibidho oo uu barteeda ujeedi kari waayo.isla
markiiba Farxaan oo is heyn la, ayaa waxaa uu ku
heesay heestan oo yiri Qacdaan ku arkeybaa caashaq
daran leygu qoob falaye qudha adiga mooyee majiro
ruux kaloy qabane.Waxaa arintan farxaan qabsatey
layaabey dhamaan
saaxiibadii
lafadhiyey meesha oo
uugaarahaan ka dhexmuuqdey c/risaaq oo si lamafilaan
ah ay ku noqotey oo su,aal la soo boodey oo kuyiri
walee Farxaanoow lagu haleel ee xagey qoontan
kaasoogaartey markaabuu farxaan kujawaabey miyeydaan
arkeyn inantii sineyd ee sida hilaaca ina hormartey
oo maskaxdeydo odhanba jiirtey. Tola,ay aloow yaa
mar kale halkan soomarsha intaasaa iminka iyar
daweyn laheyde.Ooma intaa ookeliyaad kuqaboobi
laheyd waxaa dhaafsadey C/risaaq maya saaxiib ee
waxay ii noqon laheyd indho doogsi oowaan isku yara
qancin lahaa.Naftan ololka kabaxayo qoran
darteed.Maalintii Farxaan oo niyada aad u kacsan
tahay oo su”aalo is weydiinaya ayey dhamaatey.Markii
lagaarey maalintiilabaad ayaa waxaa uu farxaan
latashadey saaxiibadii oodhan gaar ahaan waxay aad
iskugu dhawaayeen c/risaaq oo ayan marnaba kala hari
jirin farxaan markii uu saaxiibkii c/risaaq si
hoose ula tashadey oo uu ku yiri saaxiiboow aniga
farxiyo la,aanteed manoolaan karo ee waxaad igala
shaqeysaa si,alaale iyo sidaan farxiyo ku heli karo
Farxaan markuu intaas yiri ayuu heestan raacshay oo
uu yiri Qof jaceyl derderay dad miyuu maqlaa
dabeylahaan udiraa fariin diiqoo ciyaayaan deydayaa
wetkoon idilin waanan deyn karey.C/risaaq ayaa
amakaag dhabanada laqabsadey oo ku yiri farxaan
gabadhaasi saaxiiboow waalaguu yaqaane dhibtan badan
ee ku heysata iska kala yaree ee naftaada kheyr u
sheeg anigaa aqaana gabar saaxiibadeed ah oo aaney
waxba ka diideyne farxaan ayaa ku jawaabey kheyr
ayaabad sheegeysaaye saaxiib adigaa iga wakiil ahe
arintan dhamee adigaan kuu xilsaaraye
Dib u laabo
Qeybtii
2aad
c/risaaq
oo saaxiibkii labalan sanaa sigaar,ahna uga
fakarayey oo go,aan ku gaarsanaa inuu saaxiibkii
waxla qabto ayaa waxaa uu u soo dhaqaajiyey waqti
uu isdhihi karey waadka heli kartaa guriga Farxiyo
saaxiibadeed eeyeysan maanta kula dhaafin ayaa kasoo
jaqaafiyey gurigii uu markaas deganaa ,nasiib wanaag
waxaa maalintaas guriga joogtey sucaad oo ah farxiyo
saaxiibadeed iyada oo keliya balse gabdhaha
soomaaliyeed keli hadaad kuhesho war kama wada bogan
kartid waayo waalidkey sidaran uga baqaan oo waxay
isleeyihiin maxaa ninkan guriga keenay adigoo
keligaa jooga isla markiiba waxaanan hadal fiican
halkaa ka helin c/risaaq oo war waxaa loogu soo
koobey wax kastood I weydiineyso anigaa ku soo
wacayee isii telfoon balse taaba ugama darin ee
wuxuu siiyey Telfoonkii sii oo wuxuu yiri abaayo
sidhaqso leh ii soo wac hadaad awoodo isla maanta ,iyana
waxay u sheegtay inay galabtii school private ah oo
English kabarato oo ay u heli karto waqti balse
hadeer ay familkeeda kabaqeyso oo aaney waqtiba u
heyn iney nin kula hadasho.c/risaaq wuxuu yiri
abaayo waan iska baxayaa si,aadan u dhibaatoon ee
gurigaan kugu sugayaaye ha,ii goyne isoo wac
waabalan xitaa hadey kaa fursanweydo waankuu imaan
ayey u raacisay c/risaaq oo aad u farxay ayaa
albaabka ka soo baxay ooy iri abaayo aad ayaad u
mahadsantahay.isla galabtaas markii la gaarey
waqtigey sucaad school-ka aadi jirtey ayaa waxaa
yimid hooyadeed xibilo oo ku tiri maandhooy
waalagaarey iskuulka waqtigiisiiye orodoo iskuulkii
qabo.sucaadse galabta iskuulka dan kama lehee waxay
rabtaa iney wiilkey labalantey marka hore
wacdo.waxay soo aadey iskuulkii markey in mudo ah
soo socotey ayaa waxaa ay ku leexatey guriga
saaxiibadeed maryan oo ay isu raaci jireen
barayfitka markey soogashey oo ay maryan bariidisay
ayaa waxay hadal uga bilowdey saaxiibey Telfoon
kaaga ma,isticmaali karaa in aan qof kawacdo xitaa
isagaa isoo wacayee hadaan ku,iraahdo waayo wadada
nin kalama hadli karee oo waan ka qajilayaaye
mataasbaa la,isweydiiyaa ayey maryan ku jawaabtey .mahadsanid
ayey sucaad u daba marisay oo waxay qabsatey
Telfoonkii Halo Halo ayeyey tiri waxaa kaqabtey c/risaaq
ah oo si,aad iyo aad ah usugayey ookuyiri ma
sucaadbaa haa ayey tiri aad ayaad balanta ugu
wacantahay walee ee ii waran macaan ayuu isna
dhaafsadey waxay ku tiri walaal iskuul ayaan u deg
deg sanahaye ii dedeji hadalka ee maxaadaran .wuxuu
isna ku jawaabey abaayo waxba madarna balse adigaan
dano gaar ah oo adiga mooyee aysan cidkale waxba
kaqabankarin kaasooyeeshay eebalwax igala qabo waxaa
jira inan saaxiibkey,ah oo u dhimanaya gabar
saaxiibadaa ah oo layiraahdo farxiyo anigana waxaan
ku iri anigaa aqaan gabar ay saaxiibo yihiin oo
welibana aan isku wanaagsan nahaye anigaa waxkula
qabanayee isug isna wuxuu iigujawaabey waayahay ee
walaaley inan kaas dhibaateysan dhibtiisa wax igala
qabo iyana waxay ugu jawaabtey walaal taas dhibaato
malahee aniga igaga seexo inaan gabadhaas warkaaga
keeno xitaa aan idiin balamiyo waxay afkeeda idiinka
taraahdo si,aad u aragtaan.Mahadsanid ayuu ugu
jawaabey waxayna u sheegtey inay caawa soo
maridoonto guriga farxiyo oo ay waxoo dhanba u
sheegi doonto.waatahay nabadgelyo waa inoo markale
tlf ayey isa saartey. Oo waxay aadey iskuulkeedii
waxay hore isu sii raaceen maryan sidii caadada
u,aheyd intey wadada sii socdeen ayey sii
sheekeysteen waxay kawada hadleen c/risaaq iyo waxa
uu yahay waxay ku tiri naa wiilku kumuu ahaa muxuu
serabey waxaa u jawaabtey sucaad oo ku tiri wiilka
wiil ay saaxiibo yihiin ayaa waxaa uu jecel yahay
farxiyada aynu saaxiibaha nahay waana uu ka
baqanayaa inuu iyada warka ka bilaabo waayo iyada
aqoon iskuma laha oo aniguu ii soo marey oo uu
iyaqaan markaabaa maryan waxaa kalooy weydiisay naa
wiilka isga qudhiisa maxaasbaa,maya ayey ku
jawaabtey oo miyeydaan labadiinaba isku fireyn
kareyn mustaqbalka markaa ayey iyana dhaafsatey
hadeer taas looma jooga,e wax igalaqabo arinta
farxiyo ayey taagantahay ana taas ayaan inata ka
raankeyga ah wax kala qaban.ok ayey ku tiri ,waxaa
kale oo ay u raacisay caawa waqti hore ayaan ka soo
tegayaa iskuulka si,aan u helo waqti aan ku soo maro
guriga farxiyo waayo wiilka aad ayuu u dhiban yahay
oo qof jaceyl la qafiifsan ayaa ka sugaya jawaab ee
waa inaan caawa war uga keenaa farxiyo ayey ku tiri
waatahay ayeey maryan ku jawaabtey. Iskuulkii ayaa
la soo gaarey markii iskuulkii u bilowdey
casharkoodii ayaa sucaad waxaa ku furan mowjad oo
muraal uma heyso maanta casharka socda markuu mudo
socdey ayaa waxay kutiri macalinkii macalin maanta
meel ayaan u degdeg sanahay waxaana diidanaa inaan
iskuulka imaan balse ma bixi karaa saacad dabadeed
si,hoose ayey u weydiisay sida iyadoo casharka erey
ay fahmi weysay ay ardeyda kale u qaateen.macalinka
oo reer magaal ahaa oo gartey gabarta waxa ay
sihoose ula hadashay ayaa isna ku yiri haa waa
sidaas iyana waayahay ayey tiri.saacad kadib ayey
sucaad iskuulkii ka soo baxdey oo waxay afka saartey
halkey farxiyo deganeyd waxaa galabtaas farxiyo
lajoogey hooyadeed ,muxibo.albaabkii ayaa waxaa soo
garaacdey sucaad waxaa waa ayo ku yiri hooyo muxibo
waa aniga ayey dhaafsatey sucaad albaabkii ayaa laga
soo furey oo waxaa ay bariidisay reerkii oo waxay
usoo dhaaftey qolkii ay deganeyd farxiyo ,.farxiyo
ayaa markey saaxiibadeed salaantey ku tiri saaxiib
maxaa galabta waqtigan ku wada madhibaataa jirta
mise maxay markaabey ku tiri macaan dhib majiree
iskuulkii xitaa galabta adiga dartaa ayaan uga soo
tegay oo aad ayaan mixtaaj kuugu ahaa oomaxaa darnaa
ayey farxiyo tiri waxba abaayooy ma,darna,ee waxaa
jira wiil aad iyo aad kuu jeclaadey oo dartaa la
qafiifsan oo saaxiibkii eegan kari waayey oo uu
aniga isoo raadshay anigana igu kalifay inaan ku soo
raadsho waxaan kaala kulmaba ee wiilkaa mar,uun
malaga yaabaa inaan waqti u hesho amaba aad
lahadasho oo aad wacdo waxay ugu jawaabtey saaxiib
wixii adiga ku soomara muran kama taagna ee waxaan
kaabalan qaadayaa inaan waqti u helayo ee aan
labalamayo maalintaad adiga iiqabato hooyana anigaa
iska basarinaya saaxiibadey ayaan soo booqan oo waan
soo dhaqsan ayaan ku dhihi.waxay ku jawaabtey sucaad
beri iskuulkaan aadi ee saad dambe ayaan balameynaa
macalinkana waankasoo dhaadhicin si,uusan ii
kashifin oo ii yiraahdo sucaad weytimide anigaa
meel u direy waayo waalidka soomaaliyeed aad ayey
gabdhahooda sookoraya u koontaroolaan.waatahay ee
adigaan kuu imaan saad dambe maya ee guriga maryan
isugu kaaya wadakeen ayey sucaad ku jawaabtey.ok
ayey farxiyo ku jawaabtey.waa la kalategay sucaad
waxay wacdey c/risaaq oo deganaa degmada shibis
waxayna u sheegatay inay farxiyo waxba ka diidaneyn
ee ay kula balansantahay guriga saaxiibadeed maryan
saad dambe.o oay kutiri wiilka waqti ayaan siin ee
ha,ii yimaado isla maalintaas.c/risaaq isagoo farxay
ayuu wuxuu dhaafsadey mahadsanid kheyr ale ha
kusiiyo. waxaa lagaarey maalintii dambe sucaad waxay
aadey iskuulkeedii markey soo dhameysatey ayaa waxay
dib isu dhigtey qadar 5 daqiiqo ah oo ay macalinka
kula balantey xitaa hadey ardeyda weydiiyaan inuu u
sheego ineysan fogeyn oo ay xafiiska howl u heyso
iyadoo diidaneyd inla ogaado ayaa waxaa marwalba
lamaqnaa maryan oo uu macalinka isku,ogaa inaysan
kala harin oo ay wax wada xalinayaan.waxaa lagaarey
maalintii lagu wada balamey in la,isu yimaado waxaa
la,isugu yimid gurigii maryan waxaa halkaa ku wada
kulmay farxiyo iyo sucaad iyo maryan waxaa go,aan
lagu gaarey inlawaco c/risaaq oo uu lajoogey farxaan
nasiib wanaag waala wada balamey waxaa laguwada
balamey inla isu raaco meel baar ah oo lagu wada
sheekeysto waxaa layimid baar aansidaa uga fogeyn
xaafadii ay deganaayeen maryan ee degmada yaaqshiid
halkaas ayaa waxaa hadalkii furay sucaad oo
ujeedisay saaxiibadeed. Halkaas oo wiilkii jeclaana
meesha uumarkaas fadhiyey.Farxiyo ayaa waxay
kujawaabtey waad mahadsantihiin dhamaan balse wiilka
ijecel iyo aniga waa in la,isu kaaya daayaa oo
aanlabadeena wada hadalnaa.wwwwwwwwwwwww waxaa
kujawaabtey sucaad oo tiri saaxiib taas waan
kaafilaayey.waxaa halkaas kabilaabatay sheeko labo
geesood ah oo u dhaxeysa maryan,sucaad iyo c/risaaq
oo meel,ah iyo farxaan iyo farxiyo oomeel,ah.waxaa
halkaa kabilowdey sheekadii xiisaha laheyd ee
farxaan iyo farxiyo oo fool ka fool ah ala wacanaa
ereyada kalgacal ee farxaan kasoo burqanayey wuxuu
durbadiiba lasoo boodey macaan sideed iitahay ka
waran caafimaadka dartaabaan uduleysnahay
raadintaadaan meelwalba u marey saacadna adiga
la,aantaa wey igu adagtahay inaan noolaado ee macaan
dhibtan ha,igu ee gane wax igala qabo iyadoo
kayaaban wiilkan dhididaya ee wajega istiraashka
kadeyn la,ayaa waxay ku tiri bal isdeji waxba
inagama halaabayaane waan isbaran doonaa sifiicane
waxna isla weyn meynee xasil waayahay ayuu ugu
jawaabey waxayna usheegtey inay lasoo hadli doonto
marwalba ooayna xiriirwanaagsan layeelandoonto ooay
waraaqaha ugu soo dhiibi doonto saaxiibadeed sucaad
hadey haleeshana ay is arkidoonaan,galabtaas
labageesoodkii
Dib u laabo
Qeybtii 3aad
sheekadii laba geesoodka aheyd galabtaa halkaas
ayeey ku soo afj arantay,ayadoo ay sababtey gabdhaha
oo aan waqti badan heli kareyn darteed.balse hadeer
xaajada meel wanaagsan ayey mareysaayoo waxaa xiriir
joogto ah u bilowdey farxiyo iyo farxaan maalintey
taariikhdu aheyd25kii april 2004 ayaa farxaan wuxuu
bilaabey inuu qoro warqadiisii ugu horeysa wuxuuna
ku bilaabey sidatan.
Macaan waxaad iga gudoontaa
salaan diiran ookamacaan malbka kana udgoon
waxyaabaha carfa oo dhan kana baaxadweyn beriga kana
badan biyaha bada ,kana soogo,dey laab kujecel oo
dartaa la walhaneysa oo ay dabeyl xoog badani dhex
marmareyso oo aanan aqoon waxay hadalka ku bilowdo
ileyn jaceyl ka tan badan ayaa hayee,macaan sida ugu
dhaqsaha badan aan kaaga helo waraaqo isdaba joog,ah
xitaa hadaad ii awoodo inaad iihesho waqti igu soo
qor waraaqaha aniga waxaan jeclahay inaan sameeyo
waxkasta oo aad adiga jeceshahay taas oo ay keenayso
heerka uu gaarsiisan yahay jacaylka aan kuu qabo .waxaanse
ilaah ka baryayaa inaad oorideyda xalaasha ,ah aad
noqoto. Taas oo aan keliya naftan ku nasin
karayo.hadana ku soodhawow hees yar oo qoraal,ah oo
aan kugu talagaley
Hees
Nafteyda waan kuu huri lahaa
hantina kaabixinlahaa hagar
kuuma
quureen halistaad igoysiyo
halkaad
igaga taalee,hawaa dhalisa
caashaquye
hiyigu raacid baa keenta
geerida eeee
kuhortimaad raga iyo
haweenkuba midna
heybad mayeesheen kan
kaloon laheynine.
macaan waxaan filayaa heestan yar inay kaaga
filan tahay wax u sheegid ee aan kaa helo jawaab deg
deg ah. Galabtaas farxaan wuxuu isku deyey inuu
sucaad waraaqdaas ugu dhiibo farxiyo isagoo aanan
guriga sucaad tegi kareyn ayaa waxaa uu go,aan
kugaarey inuu dhexda ku sugo markey school ka soo
aado galabtii si,uu ugu dhiibo.ileyn qof danleh
madaalee isagaa naftiisa inuu dhibo ugu tala
galey.Nasiib wanaag wuxuu helay maryan oo school ka
galabtaas ka baaqatey oo iyaduu ugu dhiibey si
degdeg ah ayey farxiyo ugu geysay,isla markiiba
farxiya ayaa waraaqda furtey mise carafta warqada ka
soobaxeysa ,ayaaba farxiyo wax walba kala darnaadey
oo waxay gaartey heer ay warqada carafsato mindhaa
wuxuu dhexgelshay istiraash uu sidaran barfuun aad u
caraf badan inbadan marshey oo uu ugu talagaley
gabadha ha jecleysato carafta warqadaada iyo isagoo
ay intaas udheerayd qoraal qurux badan oo uu lahaa
oo aanan isha laga qaadi kareyn ,oo qoraalkiisa
hadba nooc u qorayey,iyo weliba heesta macaan ee uu
tiriyey.galabtaasi farxiyo iyana waxaa ku bilowdey
inay koontaroolkii lumiso oo ay kun jeer warqadii
dib u aqriso iyadoo saaxiibadeed u sheegtay inay
waceyso caawa iyadan u mahad celisay oo ku tiri
waad ku mahadsan tahay sidaad warqada iigu soo
gudbisay.
Farxiyo waxaa ay ku talagashay inay farxaan
wacdo waxay sooqabsatey telefoonkii oo waxay hadalka
ku bilowdey halo halo ma farxaanbaa ii waran amoore
sideed iitahay ,isna wuxuu ku jawaabey aad ayaan u
ladnahay waadku mahadsantahay soo wicidaada ee
mawaxaad heshay warkeyga iyana haa ee aboowe waxaan
aad ugu farxay ee isoo jiitey warqadaadan quruxda
badan ee aad iisoo qortey waxaa intaa iiga daran
carafta ka soo baxeysa mindhaa adigaa kasoo
dhexcarfaya,aboowe waxaan kuu sheegayaa soomaalida
waxay tiraahdaa wax kujecel hadaad katagto wax ku
neceb ayaad la kulantaa marka adigoo sidan ii jecel
oo asaagey ah oo ilaahna maalsiiyey oo igeynkara waa
inaan ku garab istaagaa hadalbadana haan mabuuxsho
bada anigaba waan kugula jiraa eeiga dhegeyso
heestan oo aan telefoonka kaaga qaado.
Hees
cirkusagalka cirkusagal
cirkusagal daruureed
subaxii uuleeyahay waxaa lagasugaa waa
saadaasha
roobkiyo xili seermaweydee
inaguna
sed iyo calaf iyo si,ale mooyee
kasal
gaarney caashaqa ,kasalgaarney
caashaqa ,sanqashaduna
waahadal
hadana waa
sigooni ah wacanoow
waxaan
sidaa kalgacal aan kula sugaayee
naftan ma,isku
sidignaa.
Farxaan isagoo aad u farxay ayuu aax yiri oo uu
ku dhawaaqey mahadsanid ilaah ayaa mahadleh ee
macaan xili iiqabo aan waalidkaa kaa soodoonto
iyadana waxay ku tiri waqti alaale iyo waqtigaad
rabto xitaa hadey waalidkey ii kaa diidaan anigaa ku
raacaye balse adiga aqiyaar badan soo kaxeyso
si,macquul ahna ku,imoow una sheeg inaan aniga wax
kula wado,si,ay arinta kuugu fududaato.
Dib u laabo
Qeybtii
4aad
waxaa farxaan uu arintiisii u sheegtey waalidkiis oo
uu sigaar ah uu arimahiisa oo dhan ugu sheegtey
hooyadii waayo hooyooyinka soomaaliyeed majecla in
wiilashooda dookhooda loodiido,waxayna isku dayaan
inay waxba awood laharin siduu wiilkooda ku helo
mida uuj ecel yahay ,farxaan wuxuu hooyadii ku yiri
hooyo bal Aabana waan u sheegiye adiga igala hadal
Aabe ee yuusan arinteyda iga diidin.Iyadana waxay ku
tiri hooyo gabdhaha sanadkan joogaa isku haleyn ma
galaane gabadha managa hubtaa aabe anigaa ku filanoo
waxba iga diidi mahayee,haa hooyo farxiyo haka
welwelin waalidse wuxuuqabo aniga ma garanayo balse
waxay igula balantey hadii waalidkeed iidiido iney
iraaceyso.waa wax fiican hooyo balse waan u duur
xuliye ii yar kaadi hore ka doonan meynee waa intaa
soo waalidkeed meel larabaane hadeynu ogaano inaan
meelkale loowadin waan doonaneynaa hadii meel lagu
wadana waan lacarareynaa sida maanta jirta waayo
banaanka la,isuma soo wada saaro waxaad rabto oo
aduunyada maanta hooyo sidii hore ma,aha anagana
sharaf beel madooneyno oo dad waa weyn oo la soo
ceyrshay waa ceeb gabadha hadey ku,ogoshahay reerka
keen oo waan wada sheekeysaneynaa xitaa darteed
uqaado baabuurkaada oo usahal marwalba oo ay ku
balamiso si aysan cidooda u fahmin iney meelkale
aadey ileyn inagaa u baahane,anigana laga bilaabo
saacadan waxaan isku deyayaa inaan soo ogaado
waalidkeed ula jeedada ay kadamacsanyihiin.xitaa
waxaan aqaan deriska ugu dhow farxiya reer kooda oo
aan igana shakiyeyn wax kastana weydiin karo,ee
hooyo ii dul qaado wax inaadan waayin ayaan kula
rabaaye,Amran oo aheyd farxaan hooyadii ayaa waxay
dhexda marada ugu xiratey sidey wiilkeeda gabadha uu
rabo u hubin laheyd iyo weliba sidey waalidka
farxiyo u la jeedadooda u ogaanlaheyd ,nasiib wanaag
waxay taqaaney Raxma cali oo aheyd deriska reerka
farxiyo oo ay si,aad ahna isku xog ogaayeen,amran
waxay soo booqatey raxmo oo ay salaan iyo is
xogwarsi kadib waxay usheegtey inay maanta ugu timid
inay wax uga sheegto gabadha ay deriska yihiin ee la
yiraahdo farxiya oo uu wiilkeeda farxaan jecel yahay
iyana ayrabto bal jaceyl iyo doonitaan hadam beeyee
gabadhaas waxa reer kooda ladamac sanyahay iney
ogaato si,ay uga guul gaarto.Raxmo waxay si hagar
bax ah wax ugu sheegtey iyadoo aan waxba ka qarin in
gabadha lala rabo wiil ay ilmo abti yihiin oo xagaa
iyo mareykanka ku maqan balse uu xagaaga imaan doono
oo iyana aysan ka war qabin oo uu waalidkeed bixiyey
loona sheegidoono markuu wiilka yimaado hadaad soo
doonataana war maba jiro oo waalagu mehrin idinkana
xaalkiinu waa diidmo ,ee ha,isku deyina taas ee la
baxsada gabadha kadibna sabeyn sooxira mudo dabadeed
taas uun baad ku guul gaari kartaan hadeerna cidi
idiinma oga ee ha,is kashifina oo yaanan gabarta
habeen la,idiinka sooceshan ,waxaa wari _wari ku
jawaabtey Amran oo tiri miyaanan waxgarad aheyn
waxan oo kale waan iska filaayey balse waxaan isku
deyi inaan wiilkeyga gabadhaas usoo xero geliyo,ee
raxmooy walaaley yaanan lagaa maqlin weligaa inaan
gabadhaas anaga lamaqan nahay hadaan calaf ku
yeelano.Amran waxay ku laabatey gurigeedii iyadoo
aan cidkale ka warheyn oo ay keliya is og yihiin
wiilkeeda,waxay jawaab cad ula timid wiilkeeda oo ay
ku tiri hooyo doonis warkeeda majiro eegabarta raadi
oo waxaan soo ogaadey in wiil walaalkeed ah oo la
yiraahdo khadar xasan oo mareykanka 8 sano ku maqan
inlala rabo oo lasiiyey iyana aysan waxba ka ogeyn
oo xagaaga la,aroosi doono ,waxaana imaanaya wiilka
la siiyey.Ee maxaa talo,ah?! Ala hooyo caqli
badnidaa waxaa yiri farxaan dhib malaha waxaan
warqad u qorayaa farxiyo oo waxaan u sheegayaa
arintoodhan ka dib iyadaa ila balami doonta oo waan
israaci doonaa haduu eebe ka dhigo.Farxaan wuxuu
hooyadii ku yiri hooyo bal aabe wax ha usheegin ilaa
xaalka ka hagaago.waa waxaas waxaan kuulahaa hooyo
hana ceebeyn oo haadaan hanaga tuurine sidaad
gabadhaas ku hesho anigaa aqaane waalidka waqtigaan
joogana markaad gabar kadoonato dhakadaas ayey isa
saarayaane qabiilkana lafahuu ka galey oo hadba
waxay raadshaan midka ugu dhow si,inay jano ku
gelayaane,danahaagaa ladhameystaa naag markaad
jeclaato iyana ayku jeceshahay hadhow hadii
gabadhooda laqabana wax ayku oran karaan ayaaba iska
yare waaney ku qasbanyihiine orodoo hooyo macaane
waad duceysan tahaye waxaad u baahatana adigaaba
furaha hayee labaxoo yeysan kaafakan gabadha,talo
adiga iyo raganimadaada.Farxaan waxaa uu ku
talagaley fool ka fool inuu farxiyo u helo oo uu
si,alaale iyo siduu ku heli lahaa falkeeda qabto
waxaa uu u soo dhaqaajiyey guriga farxiyo isagoo aad
u nasiib badan markuu isku dayaba meeldhaxe ayuu ka
helaa wuxuu kahelay guriga maryan iyadoo galabtaas
maalin joog aheyd.wuxuu war uga bilaabey macaan
waaba lagu bixiyaye maxaad isoo doono ii tiri oo
yaala,isiiyey waxaa lagu siiyey wiilka abtigaa
khadar xasan majiraa horta wiilkaas haa ayey tiri
wiilkaas wuu jiraayoo mareykankuu deganyahay hadaba
ninkaas ayaad u joogtaaye waran xagaaguu kula aqal
tegiye waa gabar oo halaga qarsho ayey waalidkaana
go,aan ku gaareene maxaa inoo talo ah.haba ley
baxshee miyaa la,imehriyey ayey ku dhawaaqdey maya
ee isagaa la sugayaa ayuu isna ku jawaabey,waxay
iyana kuj awaabtey gabadha la baxshey hala aroosiyo
hadiiba la,arkee soo diyaar garow imin kadaas ayaan
ku raaciye saaxiiba deyna gurigeenaan aadayaa ayey
igu tiri ku dheh ayaan lee yahaye oo iyada war laga
helimaayee inawada dhaqaaji kaa harimaayee waxaan
qabaneynaa cali subixii oo waa inaan muqdisho
oodhan ka tagnaa oo aan jabuuti aadnaa,waayo hadii
la,isoo helo waa dhibaato.Farxaan wuxuu soo kaxeeyey
farxiya oo wuxuu keenay bakhaar ay kulahaayeen
bakaaraha lacag ayuu ka qaatey kadibna diyaaradii
ugu horeysay ayuu jabuuti u saarey hooyadii ayuu
arintii u sheegay iyana wey alalaastey uluuu uluuu
uluuuu nin rag ah iska dheh ayey tiri.Farxaan iyo
farxiyo waxaa ay diyaaradii sidey caga dhigatey
jabuuti,iyagoo aan cidkale waxba ka gelin waa ay
isasoo mehersadeen oo waxay degeen hoteel aad u
sareeya oo waxay galeen nolol aad u macaan oo aan
lagafaaloon karin oo qof waliba waxaa uu halkaas ku
ilaawey diiftii heysay,hadaladii macaanaa ee la
isdhaaf sanayey waxaa ka mid ahaa macaan maanta maku
hayaa ilaahbaa mahadleh farxaan oo ilmeynaya haa
xabiibi ana makaankooda u soo dhaafayoo meel iiga
macaan aan helayoo maankeyga uroon.nolol laba shub
ah ayaa ay ku jiraan farxaan iyo farxiyo maxaase
heysta reerka farxiyo!!!!!
Qeybtii 5aad
waxaa Farxiya reer kooda
soo wajahay welwel farabadan oo ay leeyihiin alla
aawey gabadheeni halkey ka baxdey, tolow madhimatey
mise mooryaanta xamar ayaa xareysatey.markey meel
kasta ka raadsheen oo ay warkeeda waayeen ayaa waxaa
ay go,aansadeen inay bal ka war sugaan ilaa bil iyo
labo iyagoo ka cabsanayey inay gabadhooda baafiyaan
oo ay beri ka maalina iyadoo socota timaado.Farxiya
iyada waxaasba shaqo ku malaha oo maanta waxaa ay
noqotey gabar xaas ahoo ninkey jeclaydna heysata
cidkale iyada maba ay aaminsana waxbey kaaqaadi
kartaa waxaa jirtey maah maah soomaaliyeed oo
oraneysa NAAG AMA RAG HASAARNAATO AMA RAGRAAG
HASAARNAATO calshaan meyd ha,ahaato oo hasaarnaato
naxash.waa un labadaa marka hadeer iyada best ayeyba
utahay.
waxa kaloo isna layaaban halka uu wiilkiisa qabtey
odey jaamac oo ah farxaan aabihii wuxuu su,aalo
weydiiyey amran oo xaaskiisa ah oo ay farxaan is
xaal ogaayeen ,jaamac wuxuu amran ku yiri heedhe mee
wiil keeni maxaa loola,yahay weligii muusan ka
maqnaan reerkee maxaa helay,war maka heysaa ,aniga
war kama hayo balse wixii daran waa la maqlaa
durbadiiba,e wax daran majiraan sidey ilatahay
waxani waaragoo meeshuu doonuu iska aadiye weligii
ma reerkuu kuu dhex fadhiyi wiilka laabtaada
haraacin wuu imandoonaaye kheyr unbuu
lamaqanyahaye.Waatahay waala,arkidoonaa ayuu isna ku
jawaabey.Farxaan iyo Farxiyo iyagoo labadoodaba laga
yaaban yahay maqnaasha hooda iyo waxa haleelay ayaa
iyana jaceylka ay isu qabaan ayaaba waxaa aysan
gaarikarin maalin aysoo laabtaan inay go,aan gaaraan
oo waxaaba umuuqata inay weliba xiisahoodii kala
bogan oo dadkaasi hadey ku laabtaan ay rabshayaan
labadooduba waxay aaminsan yihiin inaysan soolaaban
ilaa waqti balse labobilood kadib ay waalidka
farxaan wacaan oo ay ku yiraahdaan reerkii kale hala
raali geliyo waayo farxaan buuq madoonayo miro gunti
ugu jirana ma,uurabo inuu halkey ka soobaxeen kula
gorgortamo ileyn hadeer wuxuu hubuu heystaaye hadii
waalidkii looyimaado amiirnida uu hadeer qabaa
yaraaneysa.Farxiyana reerka waaba kabaqeysaayoo
madooneyso reerkeedoon raalinoqon inay soolaabato.
Nasashaaba ay kujiraan hadeer farxiyo iyo farxaan oo
keliya waxaa aysoowacaan hooyo amran oofarxaan
hooyadii ah waxaana ay u sheegeen labo bilood kadib
inay reerka soo sabeyn xirto balse hooyo amran ayaa
ku tiri hooyo sidaa ma wanaagsana waxaa laga yaabaa
inhabaar ina soo gaaro idinka meeshiina iska jooga
anigaa reerka u dad ka xeysanaya oo raali gelinaya
waxaanad imaaneysan idinkoo aanla,idiin careysneyn
ee cabsida iska daaya.Farxaan iyo Farxiyo waxay
yiraahdeen waatahay hooyo hadaad sidaas garatey oo
aaney dhibaato nooga imaaneyn waa waxfiican,balse
aabe jaamac noobalami aan soowacnee isna waayahay
ayey ku jawaabtey waxaa yimid odey jaamac ,Amran
iyadoo war la sugeysay ayey waxay hadal uga bilowdey
Jaamacow kheyrbaan maanta kuu hayaa waxaa soo hadley
wiilkaada Farxaan wuxuuna igu yiri waxaan labaxsadey
gabar oo aan mehersadey oo aanku la noolahay
jabuuti,taana waxaan u sameeyey anigoo gabadha kala
baxsanaayey rag kale inay oori u noqoto wuuna ku soo
wici doonaa caawee bal yar sug oo hakategin ,Jaamac
wuxuu kuj awaabey rag walee inuu igu banana yahay,oo
meel xun kama soobixin nin rag ka boobaya inan ugub
ah ,waa arin lagu farxee inanta waa ina ayo? gabadha
ma fogee waa ina maxamuud cali seed,oo waa inaan
iminkadaas u dad raad sanaayoon reerka ,welwelka ka
soo bi,inaa.taas khasab ayeyba nagu tahaye bal caawa
markaan wiilka wada hadalno ayaan raadsan qaraabada
oo aan dhihi meesha hala,iga tiiriyo.waxaa lagaarey
waqtigii Farxaan hooyadii aybalamisay waa uu soo
wactamey oo waxaa ka qabtey aabihii oo ku bilaabey
mabruuk aabe macaafi maad qabtaan adiga iyo
gabadhaada haa aabe macaane aabe ilaahey kheyr
ha,iskaga kiindhigo waxba ha baqin aniga waan ku
farax sanahay guurkaada waxaan idiin hagaaji nayaa
guri aad u wanaagsan reerkana waxaan u tegi ,beri
galab oo waan soo qancin waxaana idiin dhigi aroos
cajiib ah ee dhaqso soolaabta xaas hadaad yeelato
aabe xamaalashaa lagaa rabaa sidaas talo ma,aha aabe
soo laabo oo reerka u shaqeyso iyadoo raali lagaaga
yahay oo laguu duceeyey aabe xeradaada inay kaa
oloshoo lagu habaaro ma doonayo sida ugu
dhaqsiinyaha badan beri markaan reerka raali geliyo
labo maalmood gudahooda ku imoow,gurigiinana waxaan
ku diyaarin haduu ale kadhigo laba maalmood
gudahooda ,gabadhana dahab wanaagsan oo lala yaabo
ayaan u,iibin oo iyadoo qurux badan ayaan reerkooda
ku celinaynaa.wwwwwwwwwww waxaa yiri farxaan oo aad
ugu riyaaqey hadalka aabihii.odey jaamac waxaa uu
subaxdii dambe u tegey odeyga kaaba qabiilka ,ah ee
ay beesheeda kadambeeyeen iyo intii soo raaci kartey
oo tiro ahaan dhan 15 qof waxaa uu u sheegay inay
reerka farxiyo ay lasoo raali geliyaan oo kaaba
qabiilku hadlo oo uu lacag baxsho oo reerka sabeyn
ku xiro oo uu u sheego in gabadhooda ay dhankan
kaabaha kumaqantahay ooay raalinoqdaan wax alaale
iyo wixii xeer soomaali,ahna uu raali ku yahay inuu
bixiyo.reerkii farxiya iyagoo farxay oo aad ugu
farxay gabadhooda lahelay ayaa waxay gudoomeen raali
gelintii waxayna yiraahdeen yey ku maqan tahay
gabadheena ,odeygii beesha ugaaska u ahaa ayaa yiri
odey jaamac wiilkiisaa labaxay,oo isagaan raali
gelintan ka wadnaa waa kheyr,ee halkey joogaan
hadeer labadooda waxay jiraan jabuuti oo waa ay
baqeenoo halkaas ayey ka dheceen labadoodaba,markey
dhowr maalmood maqnaayeen ayaa odey jaamac oo
isagaba welwelsan lasoo wacay ,jaamacna waxa uu
dareensanaa inay xuntahay oo idinkana sidii soo kale
iyo ka daran aad u welweleysaan marka wuxuu go,aan
ku gaarey inuu idiin qaboojiyo oo uu idiin maslaxo
sida dhaqanka iyo caadada soomaaliyeed ah.reerkii
waxay yiraahdeen raaligiina jano anaga raali waan
nahay eebal caruurta baqeysa soolaabta kudhaha
jaamacna wuxuu u sheegay labo maalmood kadib
ineysoolaaban ayaan oo aroos wanaagsana ladhigidoono
maalinta sadexaad,haduu ale idmo.maxaa meeshii
iswada gacanqaadey oo is wada salaamey labadii reer
ee ay farxiyo iyo farxaan ka dhasheen waxaa lacag
yarad ah lagu doonsiiyey reerkii farxiyo waxaana
la,isumarey faatixada oo waxaa labalamey maalinta
sadexaad oo aroos ladhiganayo oolagu qabanayo
guriga ay farxiyo kad halatey.waala,isa soo
macsalaameeyey oo waala soo kala tegay.odey jaamac
wuxuu wacay farxaan oo wuxuu us heegay inuu soo baxo
labo maalmood gudahood ku soo galo muqdisho si
gabadha reerkeeda ,ugu soo duceeyaan oo loogu geeyo
aqalka iyadoo raali laga yahay,farxaan wuuka
ogolaadey aabihii aabihiina waxaa uu u sheegay in
reerkii uu soo raaligeliyey oo caawa calool fiyoobi
ay ku hurdaan oo uu wanaa jiyey oo uu lacag sooryo
ahna siiyey.farxaan ayaa aabe mahadsanid ku jawaabey
oo yiri aabe waabalan saad dambe waan kula joognaa
oo adiga farxiyo reer kooda gee si,ay u qancaan saa
kuuna inshaa allaah waa inoo aroos cusub iyo
gurigeygii runta ahaa. odey jaamac ayaa yiri salaama
aabe telefoonkiina wuu isa saarey ileyn howl badan
baa sugeysee,farxiyo iyo farxaan farxadii baa
kabadatey,farxaan durbadiiba hees ayuu lasoo boodey
oo uuyiri
HEES
dulqaadkeygaa badnaa
deganaasho aadan lahaa
inagoo iskuduuban iyo
ducada waalidkeen iyo
deeqdaa rabi baa lahaa
damaashaad ila cayaar
damaashaad aa aad
waxaa dhunkasho kula sooboodey oo habsiisay
farxiya oo aad u jecleysatey heesta macaan ee uu
amooraheeda ku cabirey niyadiisa ,habeenkaas kamaba
sheekeyn karto cid aanan jaceyl soomarin
Qeybtii 6aad
habeenkaa oo farxadweyn u lahaa
FARXAAN IYO FARXIYO ayaa waxaa ay FARXIYO iyana
dhaafsatey ereyo macaan ooay kamuuqato jaceylka ,aadka
u tirada badan ee iyana dhankeeda u qabto FARXAAN,
iyadoo tiri _ NOLOSHEYDA AAYAHA KASOKOW ILAAHEY
ADIGAA ADIGAA MAS;UUL KA;AHEE:taasoo farxaan ku
beertey filanwaa oo uu sadex ilaa afar jeer wejiga u
saarey wejiga farxiyo isagoo hadba ku noqonaya oo
aan moodin inuu saarey wejigiisaba halkaasoo markuu
wejiga ka sooqaado farxiyaba uu madaxa ruxo oo uu
ilmeeyo,eesh calaa jaceyl iska dheh.iyana ay
tiraahdo heedhe dhibaato inama heysatee ana waa
ikane iska daa ilmeynta arooskeenii saldhigaye sidaa
ku daroo lasoco ee ilow diifta,jacaykeenu hadeer
wuxuu ku jiraa guri dahab ah ee la soco.Farxaan waa
uu qancay oo wuxuu bilaabey inuu ilaabo huqda badan
ee uumarba soo goconayo oo uu jaceylka ku
beeray.wuxuuna ku tala galay sidey balantu ahayd
iney soo baxaan isaga iyo xaaskiisa,halkaasoo odey
jaamacna uu ku jiro qabanqaabo guri hagaajin ,reerka
farxiyana aroos u diyaargarow iyo dad wictaan iyo
meeshii xaflada lagu qaban lahaa oo la
hagaajiyo.dhamaan dadkii oo heegan ku jira ayaa
waxaa soo degay farxiyo iyo farxaan si,aad
uquruxbadan ayaa loogu soodhaweeyey guriga qoyska
farxaan.kadibna waxaa habeenkii ay ku hoyatey
farxiyo reer koodii oo u xiiso qabey hadalkalesa
aanan u furin oo soomaalida waxay tiraahdaa
walaashaa iskuma hubtide seedigaa ha coleysiisan.oo
waxay xigeen wanaaga qaban qaabadoodii ayey meesha
ka wadeen oo waxaa bilowdey subaxii dambe arooskii
oo aad loosoo abaabuley oo laga wacay fanaaniin
farabadan,si aad iyo aad uqu ruxbadan ayuu u dhacay
arooskii farxiyo iyo farxaan gurigoodii runta ahaa
ayaa lakeenay,iyadoo lagadaba mashxaradayo ciyaaraha
hidaha iyo dhaqanka habeenkaa looma kala harin ,walasaqada,dhaantada,buraanburka
,guuroowga,jiiftada,saarka,kabeebeyda,suruwga,iwm,waalawada
ciyaarey .halkaasoo nolol macaan oo aayatiin leh oo
waalidka labada dhinac raali,iskaga yahay oo aan ale
mooyee cidkale laga cabsaneyn lagaley, waxaase
dhibaato layaableh qabsatey farxiyo ina abtigeed oo
hore farxiyo loo siiyey isagana niyeystey oo isku
rikoor gareeyey oo islahaa waad la,aqal geli doontaa
,hase yeeshee aan helin mowqifkiisii oo calaancal
lasabeynaya oo matadana ka,go,ay oo aan aqoon wuxuu
sameeyo,hooyada farxiyana waxay ka xuntahay dhibta
heysata wiilka ay habar yarta u tahay oo waxay
go,aan ku gaartey inay gabadha farxiyo ka yar
u,aroosiyaan oo ay ku qanciyaan wiilka si,uusan
isula hadlin waana ay ku mehriyeen oo waxay
yiraahdeen labada gabdhood waa iskumid tan ayaaba
siidhalin yar ee maandhoow ku deg oo ha,is ciil
kaambiyin naag kula tol ma,ahee isna waa uu ka
yeelay isagoo diidanaa inla yiraahdo gabadhii uu
doontaa laga guursadey oo waa uu baaqdey guurkiisii
ileyn ceebta waa wax laga dhintee habeenkaas wuu
qancay wuxuuna yiri ana meher hala iidhigo oo hala
iisooduubo xaflada dibna hala iigu soodiro,waxaana
laga balan qaadey intaas loo sameynayo balse uu
isbuuc sugo si,todoba baxa farxiya iyo meherka canab
la,isugu daro oo hal mar loogu duubo isna wuu
ogolaadey
Qeybtii 7aad
Waxaa la gaarey todobo baxii Farxaan iyo Farxiyo waa
maalin si weyn loo sugayey oo waxaa soo banaan baxay
labadoodii Farxiyo oo cilaankeeda aad moodo inayba
aqal gelin ayaa soo banaan baxdey waayo odeygeeda
Farxaan wuxuu aad uga fekerayay inuusan cilaanka
sharaxaada ah kabi,in waayo wuxuu ogaa inay todobada
dadka hor imaaneyso markale isagoo taas ka fekeraya
ayaa uu si,aad iyo aad ah ugu diidanaa inay
gacmaheeda wax ku qabato ama ay alaabta ku
dhaqdo,waxaa intaasi u dheeraa isagoo geeyey koofeer
casri ah oo si wanaagsan timaha loogu soo
sameeyey,waayo wuxuu heystey waqti fiican oo
galabtii ayuu reerkooda geynayey farxiya halkaa soo
uumeher ka jiro iyagana sigaar ah isha loogu wada
eegayo ,hase yeeshee farxaan wuu iska giijiyey oo
galabtaas uma uusan jixin jixin.waxaa uu soo qaatey
suud aad u heer sareeya iyo garafaati qurux badan oo
sharaxaad fiican leh.isaguna wuxuu ahaa wiil casri
ah oo ay isha aad iyo aad uqabaneysay ,dhererka raga
uu ugu macyahayna leh oo dhisan oo aan aheyn nin
jaabo,ah.Farxiyana si dookale waxaa ay ku lebisneyd
toobaan gacmo sare laheyn oo casri ah keliya ka
bilowda naasaha dushooda taas oo ay ku muu jinaysay
quruxda iyo qeymaha gaarka,ah ee uu jirkeeda lahaa
waayo waa gabar top ah oo u mabaahna isxir xir
odeygeeda oo ku cusub ayeyna xaflad la
tegeysaa,maxaa ka dhacay habeenkaas ,dadkii sidey u
dhamaayeen waxay indhaha ka qaadi waayeen Farxiyo
iyo Farxaan,sidey u,ekaayeen iyo weliba iyagoo si
degan isla ciyaarayey marka lashido heesaha macaan
oo lamaanaha ah. waxaa aad u taabatey oo uu la
dhacay farxaan heesta uu qaado xasan aadan samatar
oo ilaa maanta la jecelyahay xafladaha
soomaaliyeedna laga wada shido oo ah
HEES
Damiir hal,adeygnimiyo quruxda
lagu daahey iyo daraandar
indhihii
arkaan marnaba deymada ka daaline
Timaha kala degay dusheediyo
indhaha madowga leydilee
waxaan dumar deydayoon mid iidan
ah
raadiyaba hadaan taandoonayeen
ilaahey ka duceysan jiraye anigu
farxiyo
is helnee raboow isu kaaya daa
heestaas aadka umaceyd eemuhiimada gaarka,ahna u
laheyd farxaan ayaa xaflada lagu furey habeenkaasi
heesaha meesha lagu ciyaarayey ma,eysan kala dhicin
inkastoo ay xasan aadan u badnaayeen soomaalidana
badanaa xafladaha fanaankaas ayey u badanyihiin
waxay ku xusheen mindhaa waa isku wada dookh
soomaalida malaheyga,waxaa ay aheyd heesta kale
sidatan----
waaqalanja yaabloo quruxdiyo ilaahbaa u
dhameeyey
qaayee ileyn weyqarsooneyd,qunmarkaan u eegeen
qac indhaha ku siiyaan u qaadaa u qaadaa
jaceylkee
ale igama qaadaan Farxiya nuura iidaa ,jaceylkeyga
idaa,
hadaba waxa meeshaas ka dhacay lama soowada
koobikaro,xaflad aad loosoo agaasimay oo dad reer
magaal,ahna ku kulmeen oo turxaan laga ilaashay ayaa
halkaas kadhacdey,iyadoo welibana loogu talagaley in
dibada laga daawan doono oo loo dirayey mareykanka
oo uu joogey wiilka canab loo mehrinayo,dadka meesha
isugu yimid aad iyo aad ayuu uqurux badnaa
muuqaalkooda guud xafladuna simacaan ayey u
socotey,waxaa farxiyo lagu doonsiiyey dhamaan
hadiyayaashii loogu talagaley ,todobo baxeeda ,waxaa
soo gabagaboobey waxyar kadib xafladii halkaasoo
Farxiyo iyo xaajigeeda ay baabuurkooda u qaateen
xaafadooda inta loo sii socdey gurigana waxaa dhexda
la,isku sii dhaafsanayey hadalo mac macaan, ku
waasoo kuwa ka soo burqada oo caadina u,ah labo qof
oo isjecel,ee hadaladaasu ma,aheyn labo qof oo jiid
jiid la,isugu geeyey hadalo ay ku hadlaan.
sida waagii hore
soomaalida u badneyd labo qof oo aan weligood isla
hadlin
ayaa la,isu geyn jiray
waxay noloshoodana ka bilaaban jirtey isjiid
jiid iyo gedgedoon aan la,aqoon dhankuu ka socdo.
Balse farxaan iyo farxiyo nolol muudsasho leh oo
aan dhadhan ku koobneyn ayey dhex dabaalanayaan
qofkii taasoo kale helana wuxuuba dhihi lahaa
wwwwwww ha akale yaaba igaara
Qeybtii 8aad
waxaa loo direy duubitaankii
meharka khadar iyo cambaro iyo weliba todoba bixii
farxiyo iyo farxaan
khadar ooahaa wiilka cambaro loo mehrinayey isagoo
markuu cajalada helay aan sidaa ufarxin sababtuna
ahayd gabadha loomehrinayey oo aad uxishooneysay
iyadoo fadhiday ooaan ciyaareyn
iyo iyadoo weliba farxiyoo isaga laga guursadey ay
habeenkaas aad uqurux badneyd oo ay odeygeeda
tango laciyaareysay khadar aad ayuu umaseyrey
habeenkaas wuuna is ciil kaambiyey iyadoo raga
soomaaliyeed hadey kajajabto ay ubadanyihiin inay
qaadaan hees uumaxamed saleebaan qaado oo layiraahdo
beeni raad maleh isna maba moodo inuu qaadey mar
walba wuxuu yiraahdaa dantaa ii runsheegtee raganimo
mawaayine aa ha hahaahaa beeni raad ma leh aa ha ha
haa dheelalow run ma moodaye, waxaase taas kaduwan
oo farxad iyo baashaal kujirafarxiyo iyo farxaan ,qaasatan
farxaan waxaa ucaado ahinuu had iyo jeer heeso
macaanoofarxiyo dhalaalinaya qaado sida uu farxiyo
uga bartey mana aha farxiyo keligeede dumarka
soomaaliyeed badankooda marka ay kushiinka kujiraan
ama jikada qofba siduu uyaqaano badanaa wey heesaan
maantase farxaan isagaa jecleystey in xabiibtiisa uu
shaaha ugu tuuro isla markaasna hees macaan ugu
dhufto heestaasoo aad umacaaneyd oo uuqaado saalax
qaasim ayaa uu farxaan markuu qaadey farxiyo is heyn
kari weyday oo ay inta orodey dhunkasho mac mac
labada dhaban kasiisay ilmana kasoo daadatey
heestuna waxay ahayd
HADAAD DHINACEYGA JOOGTO JACAYLKA LADHUUMAN MAAYEE
WADNAHA AAN KUGU DHAWEEYO DHULKII KUU QUURI MAAYEE
CIRKANA KUMA DHIGI KARAAYEE ADIGAAN KAADHIGTAA MIRTA
INTAAN CAASHAQA DHITEYSTO DHABTANA AAN KUGU HAYEE.
waxay iyana iyada ooaan kadhicin dhaafsatey YARKU
MUDANAA MACAANAA RAG UMAGAC QURXOONAA ALAH YAA
MALYUUN JEER MAALINTIYO HABEENKII MUUQIISA DAAWADA
DAAWADA
farxiyo iyo farxaan noloshoodii macaaneyd ayay kusoo
geba gabowdey sheekada iyokhadar oo xaaskiisa
udacwoodey oo ay ogolaashihii usoobaxdey damaashaad
iyo aroos wacana loosameeyey farxad iyo alalaas iyo
isagoo khadar uu iska ilaawey diiftii hore waayo
naagtiisaa raaliyo ilaah uga yeelay oo ilowsiisay
wax walba isagu ciyaal xamar ayuu ahaaye wuxuu
yiraahdaa DHALANTEED MA AHEE DHAB WAAYEE
JACEYLKEYGEE DHAX MAKUUGU DHAAFEE IISOO DHAWAAWHEE
DHADHANDHARAN DHANDHARARARAN ,IYADUNA WAXAY TIRAA
DHAKAB ISIIYEE DHAMAANTEYBA IDHEELDHEELI ADAAN KULA
DHACEE DHAKAB ISIIYEE DHARAARTAAN MA
IDHEELDHEELISIDOO. Halkaas ayey sheekadeenii
sootaxneyd kudhamaatey
Ku laabo bogga
kore
Dib u laabo
Calı Ahmed Warsame
qalaf@hotmail.com